25.7 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Aqriso liiska: Xildhibaanada maanta lagu doortay Cadaado oo ay ka dhex muuqdaan laba…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ka dhacay Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub Somalia.

Doorashada maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku loolamaayay Xubno miisaan leh kuwaasi oo doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Cadaado oo xiisa gaara laheyd ayaa waxa ay soo dhamaatay Maqribnimadii maanta waxaana halkaasi lagu doortay ilaa 3 Xubnood.

Xubnaha Doorashada maanta kusoo baxay ayaa waxa ay kala ahaayen:

1-Maryan Maxamed Xuseen oo heshay 48, ayaa ka guuleysatay Ikraan Cabdi Nuur C/laahi oo heshay 3 cod.

2-Maryan Xaaji Cabdi Geedi oo heshay 48 cod, ayaa ka guuleysatay Yaasmiin Maxamed Cabdi oo heshay 2 cod.

3-Zakariye Xasan Cali oo helay 31, ayaa waxa uu ka guuleystay Mursal C/raxmaan Axmed oo helay 19 cod.

Doorashada iminka ka socta magaalada Cadaado ayaa mareysa meel wanaagsan oo gabagabo ah, waxaana halkaasi maalinta beri ah kasii socon doona doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News