Aqriso magacyada gudiga uu Kheyre u magacaabay dhaawacyada qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ra’isal Wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay Guddi ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Ururada Bulshada rayidka oo la socda xaaladda dadka dhaawacyadda kala duwan uu ka soo gaaray qaraxii Zoobe.

Guddiga uu Magacaabay Ra’iisul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre, ayaa ka kooban Wasiiro iyo Ururada Bulshada, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa dadka dhaawacyada culus qaraxii Shalay Muqdisho ka dhacay ay kasoo gaareen.

HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA GUDDIGA

1-Maxamed Abuukar Islow (Ducale) Wasiirka Amniga (Guddoomiye)

2-Fowziya Abiikar Nuur Wasiirka Caafimaad (Xubin)

3-Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf Wasiirka Haweenka & Xuquuqal Insaanka (Xubin)

4-Iimaan C/laahi Cali Wasiirka Diinta iyo Awqaafta (Xubin)

5-C/rixmaan Cumar Cismaan Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka & Dalxiska
(Xubin)

6-Maxamuud Xayir Ibrahim Wasiiru dawlaha Maaliyadda (Xubin)

7-Maxamed Cali Xagaa Wasiiru dawlaha Gaashaandhigga (Xubin)

8-Mukhtar Mahad Daa’uud Wasiir K/X Arrimaha Dibedda (Xubin)

9-Ibrahim Yarow Isaaq W/K Xigeenka Boostada & Isgarsinta (Xubin)

10-Taabid Cabdi Max’ed G/miyaha G/ Banaadir Ahna Duqa Muqdisho (Xubin)

11-Maxamed Aden Koofi Agaasimaha Hay’adda Socdaalka &Jin (Xubin)

12-Sheekh Bashiir Axmed Salaad Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

13-Sheekh Cali Wajiis Dalladda Culimada Soomaaliyeed (Xubin)

14-Diini Maxamed Diini Bulshada rayidka (Xubin)
C/laahi Maxamed Jaamac Shirwac Bulshada rayidka (Xubin)

15-Cabdi Baaruud (Xog-hayn)

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com