Xildhibaan Mahad Salaad: “Meydadka la geeyay isbitaalada Madiina iyo Digfeer waa 230”

Muqdisho (Caasmadda Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo kamida ahaa Xildhibaanadii maanta tagay Isbitaalada la geeyey meydadka iyo dhaawacyada Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ayaa faahfaahin ka bixiyey waxa uu halkaas kusoo arkay .

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka dhawaajiyey in Isbitaalada Madiina iyo Digfeer ay yaallaan meydadka 230 qof, isagoo sheegay in dhaawaca illaa shalay la geeyay labadaas Isbitaal ay gaarayaan 278 qofood, waxaana ilaa hada yaala oo aan la bixin 136 qofood oo 30 ka mid ah ay xaaladooda garaab yihiin.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso hadalka Uu Mahad Salaad soo dhigay Bartiisa Facebook:

MUSIIBO QARAN!

Saakay waxaan tagnay hospitaalada Madiina iyo Digfeer, aniga iyo Xildhibaano katirsan labada Gole ee Barlamaanka.

Meydadka la geeyay labadaas hospitaal waa 230 qofood waxaana ilaa hada yaala oo meydadkooda la garan waayay 130 kamid ah oo dhamaantood inta wada gubteen muuqaalkoodii doorsoomay!

Dhaawaca ilaa shalay la geeyay labadaas hospitaal waxay ahaayeen 278 qofood. Waxaana ilaa hada yaala oo aan la bixin 136 qofood oo 30 kamid ah garaab yihiin!

Waxaa jira hospitaalo kale oo iyagana dhimasho iyo dhaawac la geeyay tiradoodana ilaa hada aan la ogayn!

Waxa shalay meeshaas ka dhacay ma ahayn wax qof bini aadam ah suurayn karo. Ilaahey ha u naxariisto intii dhimatay inta dhaawaca ahna ilaahey ha u booga dhayo. AAMIIN.

Hon. Mahad Salad