Xarun loo asteeyey inay tagaan dadka doonayo inay xoog iyo xoolo ugu deeqaan qoysaska ay musiibada soo gaartay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Xarunt Hargaha iyo Saamaha ay tahay meesha ay dowladda u asteysay inay isugu imaadan dadka doonaya inay xoog iyo maal ugu gurmadaan dadkii ay musiibada kasoo gaartay Qaraxii Shalay ee Isgoyska Soobe.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa arrintaan u magacaabay Guddi u gaar ah, kuwaas oo hadda ku sugan Xarunta Hargaha iyo Saamaha oo u dhow Xarunta Dambi baarista CID.

Dadka Soomaaliyeed ee doonaya in ay xoog iyo xoolo ku taageeraan walaalaha uu dhibka kasoo gaaray, fadlan halkan gaara.

Waxaa ku diyaarsan guddi uu Ra’isulwasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay hawshan iyo dhallinyaro mutadawiciin oo 40 kor u dhaafaya.

Xaalado aad u liita ayaa laga soo sheegayaa Rugaha Caafimaadka oo ay kamid tahay daawo yari, biyo yari iyo cunto la’aan.

Shabakadda Caasimadda Online ayaa ugu baaqeysay Shacabka Soomaaliyeed inay halkaas gaaraan isla markaasna uu qof kasta iska saaro Mas’uuliyad.

Ugu Dambeyntii yaan loo kala harin gurmadka ka socdo Xarunta Hargaha iyo Saamaha ee loogu gargaarayo Walaalaha Soomaaliyeed ee musiibada ku dhacday.