Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in mar kale ay magaalada Muqdisho ka bilaabato Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee Beelaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxaana la dooran doonaa 3 kursi oo qura.
Doorashada ayaa waxaa ku loolamaaya Musharaxiin dhowr ah kuwaa oo ay ku jiraan Siyaasiyiin lasoo shaqeeyay Dowladihii KMG ahaa.
Musharaxiinta uu loolanka u dhexeeyo ayaa kala ah:
Waxaa kursiga 1aad ku tartami doona
1-Xuseen Ceelabe Faahiye
2-Maxamed Aadan Waaberi
3-Axmed Cabdi faahiye
4-Ayuub Ismaaciil Yuusuf.
Kursiga 2aad waxaa ku tartami doona
1-Hodan Abuukar Xasan
2-Deeqo Xasan Xuseen
3-Amran cilmi fariid.
Kursiga 3aad waxaa ku tartami doona
1-Cumar Maxamed Aadan
2-Nuuro Faarax Jaamac
3-Caasho Axmed Cabdalaah.
Guddiga Doorashooyinka Gobolada Waqooyi, ayaa sheegay in gudaha Asbuucaani lasoo gabagabeyn doono Doorashada Aqalka Sare ee Gobolada Waqooyi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

