Akhriso: Muxuu dastuurka Somalia ka qabaa maqaamka gobolka Banaadir?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) –ย Waxaa Maalmahaanย Magaalada Muqdisho ka ย socday kulamo dhawr ah oo lagu raadinayey maqaamka Gobolka Banaadir, waxaana kulamadaas waday Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeedo beelaha Hawiye.

Soomaaliya ayaa qaadatay nidaamka Federalismka, waxaana dalka laga sameeyey Maamul Goboleedyo, waxaana kaliya Maamul Goboleedyada ku jirin Magaalada Muqdisho oo ah Caasimadda Soomaaliya.

Haddaba si arrintaas wax badan looga ogaado, waxaana idiin soo gudbineynaa mowqifka Maqaamka Muqdisho ee ku qoran dastuurka Federaalka Soomaaliya.

Cutubka koowaad, qodobkiisa sagaalaad ayaa qabo in maqaamka Muqdisho go’aan looga qaadan doono marka la sameenayo dib u eegista dastuurka, sidoo kalana waxaa lagu sheegay inay go’aanka kama dambeysta ah ka qaadan doono labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, sida aad ka aragto qodobka uu arrintan dastuurka uga hadlay oo aan hoose idinkugu soo gudbinay:

Sida ka muuqato qodobkaan, weli go’aan rasmi ah lagama qaadan maqaamka Muqdisho, waxayna odayaasha ku dadaalayaan sidii ay culeys ugu saari lahaayeen dowladda iyo maamul Goboleedyada inay ogolaadaan maqaamka Muqdisho isla markaasna laga dhigo maamul si gaar ah u taagan.

lama qiyaasi karo go’aanka ugu dambeeyo ee laga qaadan doono Maqaamka Muqdisho, iyadoo la rajeenayo in bilooyinka soo socdo dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Soomaliya, waxayna wasaaradda Dastuurka bilowday shirar ay la qaadaneyso maamul Goboleedyada si looga wada hadlo qaabka ugu fudud ee dastuurka dib u eegis loogu sameyn karo.

Beelaha Muqdisho dago ayaa ku doodayo inaysan macquul aheyn in Maqaamka Gobolka Banaadir meesha laga saaro, waxayna wadaan ololo badan oo ay ku doonayaan inay xal u helaan Maqaamka Muqdisho.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET

- Advertisement -

Read more

Local News