Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibada ee Qatar Maxamed Cabdulraxman Al Thani, ayaa sheegay in dowladiisa aysan saameyn ku yeelan doonin is xulafeysiga dowladaha Mareykanka iyo Sacuudiga.
Wasiirka ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay dani ugu jirto inay qaboojiso xiisada ay cirka kusii shareereyso, iyadoo laga duulaayo colaadaha uu Mareykanka ka dhex shidaayo Khaliijka.
Wasiirka ayaa tilmaamay in xal u helida xiisada ay imaankarto kadib markii dowlada Sacuudiga ay soo bandhigto asbaabaha ku kalifay inay Mareykanka u adeegsato xiisada kala dhexeysa.
Wasiir Al Thani waxa uu Sacuudiga ugu baaqay inay cadeyso faragalinta ay dalkeeda ku heyso Qadar iyo in la cadeeyo waxyaabaha keenay xiisada, xili ay xaaladu aheyd mid degan.
Sidoo kale, Wasiir Al Thani ayaa sheegay in Qatar ay diyaar u tahay inay xal u hesho xiisada balse aysan diyaar u ahayn inay wax gorgortan ah ka gasho Siyaasadooda arrimaha dibada iyo arrimaha u gaarka ah iyaga, sida uu hadalka u dhigay.
”Qadar arrin muhiim ah ayay u aragtaa inay qaboojiso xiisada kala dhexeysa, iyadoo aan la faragalin amuuraheeda gaarka, waxaan arrintaani kala kaashan doonaa dowladaha saaxiibka aanu la nahay”
Al Thani ayaa cadeeyay in Qadar aysan kusii jiri karin cadaadis intaa ka badan, waxa uuna dowlada Farance ka dalbaday inay faragalin ku sameyso xiisada, si xasilooni looga helo xiisada Khaliijka, waxa uuna dalabkaani dowlada Farance u jeediyay xili uu socdaal ku gaaray magaalada Paris.
Si kastaba ha ahaatee, dowlada Qadar ayaa u muuqaneysa mid uu saameyn ku yeeshay xiisada, waxa ayna xooga saareysaa sidii loo qaboojin lahaa xiisada taagan.
Caasimada Onliine
Xafiiska Muqdisho
[email protected]