27.4 C
Mogadishu
Monday, April 13, 2026

Aqriso qodobada shirka cadaaladda ee Xamar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Warmurtiyeed Shirka Qaran ee Horumarinta Hannaanka Cadaaladda Shirka wada-tashiga qaran ee horumarinta Hanaannka Cadaaladda Soomaliya oo lagu qabtay Hotel Jasiira Magaalada Muqdisho taarikhda 25 – 28 Abril 2016, oo ay ka soo qeyb-galeen Wasaaradda Cadaaladda Dowladda Fedraalka, Maxkamadda Sare ee Dalka, Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garsoorayaal iyo Xeer-Ilaalilayal, iyo sidoo kale Wasaaradaha Cadaaladda ee Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Maxkamadaha Sare ee heer Dowlad-Goboleed, Xeer-Ilaaliyaal iyo Garsoorayaal ka socda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, Saraakiil sare ee ciidamada asluubta ee Heer gobol iyo Federaal , xubno ka mid ah Ururka Qareenada Soomaaliyeed.

Shirka wada tashiga Qaran ee horumarinta hannaanka cadaaladda Dalka ayaa looga dooday arrimo la xiriira qaabaynta iyo horumarinta hannaanka cadaaladda:

Gabagabadii Shirka ka qeeybgalayaasha waxay soo jeediyeen arrimaha soo socda:

Waxay u mahadnaqeen Wasaaradda Cadaaladda ee Federaalka oo soo abaabushay barnaamijkan looga wada-tashanayo aayaha dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka gaystay kaalmo farsamo iyo mid maaliyeed.

Qaab-dishmeedka Garsoorka

1-Waxaa la soo jeediyey in la kala doorto hirgalinta labada qaab dhismeed ee soo socda midkood:

2-Nidaamka baahsan: oo tilmaamaya in Dowlad-Goboleedyadu yeeshaan maxkamad sare si ku cad Dastuurka Federaalka (Qod.108) islamarkaasna ay federaalku yeelan doonaan Maxkamad Sare. Awoodeedana lagu qeexo Xeerka Nidaamka Garsoorka.

3-Nidaamka isku dhafan oo sheegaya in dowladaha xubinta Federaalku ka ah yeeshaan derejada 1aad iyo 2aad. Oo awood u leh qaadista dhamaan dacwadaha Dowlada federalkuna yeelato Maxkamad Sare.

4-Waxaa la soo jeediyay in diraasad dheeri ah lagu sameeyo faa’iidooyinka iyo khasaaraha ay yeelan karaan labada nidaam garsoor ee kor ku xusan si loo kal doorto.

Maxkamadda Dastuurka

1-Dowlada Federalka waxa yeelanaysaa maxkamada dastuurka sidoo kale dowlad goboleedyada waxay mid kasta yeelanaysaa maxkamad dastuur ah.

2-Iyadoo la eegayo xagga dhaqaalaha, garsoorayaasha tirada xafiisyada iyo qalbayntooda, waxaa la soo jeediyay in heer Federaal Maxkammadda Sare ee Federaalka ay qabato hawsha Maxkamadda Garsoorka sidoo kalana haddii la qaato nidaamka baahsan in Maxkamadaha Sare ee Heer DowladGobaleed ay sidoo kale qabtaan hawsha Maxkamadda Dastuurka.

Golaha Adeega garsoorka

1-Waxaa la soo jeediyey in:

2-Magaca golaha Adeega garsoorka lagu bedelo Golaha Sare ee Garsoorka.

3-Waa in xubininmada Golaha Adeegga Garsoorka garyaqaanka Guud lagu bedelo Xeer-ilaaliyaha Guud.

4-Garsooraha sare oo lagu magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka lagu bedelo Gudoomiyaha Maxkamada Dastuurka. Sidoo kale Garsooraha Sare ee maxkamada sare lagu baddalo Gudoomiyaha Maxkamada Sare.

5-In erayga labada garyaqaan lagu bedelo laba qareen.

Qeybta-Xeer-ilaalinta:

1-Waxaa jiri doona Xeer-Ilaalin qaran ee u qaabishan oogidda dacwadaha heer federaal.

2-Waxaa sidoo kale jira Xeer-Ilaalin heer maamul gobaleed oo u qaabishan oogidda dacwadaha heer Dowlad-Gobaleed.

3-Tirada Ku-Xigeennada Xeer-Iaalinta Guud ee Qaran waa inay ku salaysnaata baahida loo qabo.

4-Gobol kasta wuxuu yeelanayaa Xeer-ilaaliye Gobol oo heer Fedaraal ah.

5-Waxaa la soo jeediyay inay lagama maarmaan noqoto si loo hubiyo hadba meesha ay ku haboon tahay qaab-dhismeeedka iyo la-xisaabtanka Xeerilaalinta in diraasaad dheeraad ah lagu sameeyo.

Qaab-dhismeedka Xeer-Ilaalinta Dowlad-Goboleedka:

1-Qaab-dhismeedka Xeer-ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka waxaa go’aansanaya Dowlad-Gobaleedka.

Waajibaadka iyo Awoodaha Xeer-ilaalinta:

1-Dhaqaajinta dacwadaha ciqaabta iyo racfaan ka qadashada;

2-Ka qeybgalka doodaha dacwadaha madaniga ah marka ay ku jirto danta guud;

3-Kormeerida xabsiyadda;

4-Kormeerida iyo hagidda dambi baarayaasha iyo shaqo ka joojintooda haddii loo baahdo;

Ciidanka Asluubta

1-Xabsiyada waxa ay noqonayaa kuwo isku dhafan;

2-Iyadoo loo fiirinayo xaalada maanta jirta iyo sharciga lagu aasaasay Ciidanka Asluubtu waxa uu ka mid yahay Ciidamada Qalabka sida;

3-Habka Qorista, Dalacsiinta, Tababarida, Abaalmarinta iyo Anshaxmarinta waxay kala mid yihiin ciidamada Qalabka sida;

4-Habka Kormeerka iyo Kaalinta Xeer-ilaaliyaha waxaa la raacayaa sida xeerka uu qabo;

5-Ciidanka waxaa haga Wasiirka Caddaaladda

6-Taliyaha Ciidanka Asluubta ayaa u xilsaaran maamulka Xabsiyada;

7-Taliyuhu ugu yaraan sanadkii hal mar waa inuu kormeeraa xabsiyada, warbixina usoo gudbiyaa Wasiirka Caddaaladda.

Masuuliyadda Wasaaradda Cadaaladda:

1-Waxay diyaarisaa siyaasadda cadaaladda dalka.

2-Waxay Dowladaa kala talisaa arimaha la xiriira sharciga.

3-Waxay ilaalisaa, hubisaana ku dhaqanka iyo ilaalinta sharciga.

4-Waxay dib-u-habaysaa sharciyada ayna daraaseysaa; sidoo kalana waxay uruurisaa shuruucda dalka.

5-Waxay diyaarisaa shuruucda qabyada ah ee la-xiriira hay’adaha cadaaladda ama shuruucda kale marka ay soo codsadaan hay’adaha kale ee federaalka ama dowlad goboleedyada.

6-Waxay diraaseysaa sababaha keena fal-dembiyeedyada, waxayna uruurisaa xogaha ku saabsan dembiyada ee heer federaal. • Waxay diyaarisaa isla markaana jaan gooysaa tababarada ku aaddan cadaaladda.

7-Waxay hagtaa Ciidamada Asluubta.

8-Waxay diyaarisaa shuruucda dalka ee leh saamayn Qaran.

9-Waxay kaalmo farsamo siisaa, xiriir joogta ahna la yeelataa Wasaaradaha Cadaaladda ee Dowlad Goboleedyada.

10-Waxay hubisaa sida ku cad Dastuurka in cidda u baahan ay hesho adeeg kaalmo sharciyeed oo ku haboon.

11-Waxay daraasad ku sameeysaa nidaamka Cadaaladda ee Dhaqanka ku salaysan una diyaarisaa qaab-siyaasadeed ku haboon.

12-Waxay kormeertaa shatina siisaanaa mihnadaha la-xiriira Garsoorka.

13-Waxay isku xirtaa hawlaha kaalmada garsoor ee maxkamadaha caalamiga ah.

14-Waxay kor loo qaado wacyiga bulshada ee dhinaca sharciga.

15-Waxay diraasad ku samaysaa nidaamka cadaaladda ee dhaqanka ku salaysan waxayna u diyaarisaa qaab-siyaasadeed ku habboon.

Gabagabo iyo Mahadnaq:-

Wasaarada Cadaalada Dawlada Fadaraalka waxay u mahad celinaysaa dhamaan ka soo qaybgalyaasha shirka sida sharafta leh ay u aqbaleen casuumaadda ugana talo bixiyeen horumarinta hanaanka cadaalada dalka.

Dhamaan masuuliyiinta heer Fedaraal iyo Dowlad-Gobaleed waxay balanqaadeen meelmarinta qodobada laysku raacay ee kor ku xusan. Waana in la diyaariyaa siyaasad ka turjunta meelna marisa heshiikan.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News