Akhriso: Ra’isul wasaaraha dalka & Guddiga Difaaca BFS oo ku heshiiyay 4 qodob

Muqdisho (Caasimada Online)-Wakiilo ka tirsan Guddiyada Difaaca baarlamaanka Somalia ayaa Xildhibaanada baarlamaanka warbixin kooban kasiiyay waxyaabaha kasoo baxay kulankii ay la qaateen Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre kaa oo ku aadanaa dhismaha Ciidamada iyo Walaac ay Xildhibaanada ka muujiyeen qodobada loogu hadlayo Shirka Dalka Ingiriiska ka furmayo.

Wakiilada Guddiyada Difaaca ayaa waxaa wehlinaayay wakiilo laga soo kala xulay Guddiga Arrimaha Gudaha, waxa ayna Xildhibaanada u sheegeen in Ra’isul wasaaraha Xukuumada uu ku raacay in fiiro gaara loo yeesho hanaanka dhismaha ciidamada Qaranka oo ay ku heshiiyeen Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Wakiilada labada Guddi ayaa sidoo kale Xildhibaanada u sheegay in Ra’isul wasaaraha qudhiisa uu xaqiijiyay in Heshiisyada iyo go’aanada ay wada galaan Madaxda DFS iyo kuwa Maamul goboleedyada la horkeeno BFS si ay uga doodaan isla markaana go’aan uga gaaran.

Wakiilada ayaa sidoo kale Xildhibaanada u sheegay in Ra’isul wasaaraha Xukuumada ay isku raaceen in muddo ka yar afar cisho lagu hirgaliyo hab Maamul Maaliyadeed oo hufan oo Saldhig u noqdo Maamulka iyo Maareynta Ciidamada.

Xoghaya Guud ee Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa Xildhibaanada u aqriyay qodobada ay kuwada heshiiyeen Wakiilada iyo Ra’isul wasaaraha waxaana kamid ahaa:

1-In Xukuumadu ay ku shaqeyso shuruucda dalka u yaal isla markaana ay diyaar u yihiin isla xisaabtan, sixid iyo uyeeritaan.

2-In qorshaha dhismaha ciidamada amniga ay wax ka ogtahay Xukuumada isla markaana ay xukuumadu qaadi doonto mas’uuliyada wixii dhibaato ah ee ka imaada dhismaha ciidamada.

3-In ciidamada dowlada ay noqon doonaan kuwo isku dhafan kana howlgali doonaan dhammaan dalka, iyadoo laga wada shaqeyn doona amniga.

4-In ciidamada la dhisaayo ay amar ka qaadan doonaan hal dhinac isla markaana lagu howlgali doono amarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com