Akhriso warbixin kuu muujineysa wada shaqeyn la’aanta iyo is faquuqa heysta madaxda DFS.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin un ka hor Taliyaha laanta socdaalka Somalia Gen. Gaafow uu shaaca ka qaaday in hakat uu gali doono duulimaadyada u kala goosha magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, ayaa waxaa arrintaasi si carro leh uga hadlay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali.

Jangali ayaa sheegay inaysan jirin wax hakad ah oo ku imaan doona Duulimaadyadii tagi jiray Hargaysa, waxa uuna tilmaamay in warbixintii kasoo baxday Xafiiska Gaafow uu yahay waxkama jiraan.

Waxa uu sheegay Hadalka Taliye Gaafoow inuu ahaa in 22-ka Bishan ay suuragal tahay in la joojiyo, maadaama wada hadalo ay u socdaan, balse arintaasi waxa uu ku tilmaamay mid u gaar ah Gaafow.

Jangali waxa uu sheegay in Wasaaradu uu isaga mas’uul ka yahay, Gaafow-na uusan awood u laheyn inuu hakiyo ama is hortaago howlaha Wasaaradiisa, isaga oo cod dheer ku dheegay in talaabadaasi ay caqabad ku tahay howlaha wasaaradiisa.

Tallaabadaani muujineysa is aqoonsi la’aanta xafiisyada Dowlada ayaa timid kadib markii maamulka Somaliland shacabkii Soomaaliyeed ee u dhashay Koonfurta kusoo rogeen qaadashada waraaq Go Home ah oo ay ku qaadanayaan lacag dhan 15 dollar.

Dhanka kale, arrintaani ayaa noqoneysa mid kamid ah Fashilada Dowlada Somalia heysta, waxa ayna cadeyn u tahay in Somalia aysan ka jirin Dowlad dhexdeeda u dhexeysa ixtiraam ama is adeecid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com