Duuliyihii diyaarada Daalo oo xog cusub bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo laga helaayo diyaarada Daallo ee maalinimadii shalay kasoo degtay garoonka Aadan Cadde iyada oo qeyb kamid ah ay holceysay.

Wararku waxa ay sheegayaan in Diyaaradaasi aysan guban balse uu ka dhex dhacay Qarax, kaasi oo markii danbe ku seyray diyaarada.

Vladimir Vodopivec oo ah duuliyihii waday diyaarada ayaa beeniyay in wixii ka dhacay diyaarada uu ahaa dab, waxa uuna xaqiijiyay in Qaraxa bam uu ahaa.

Vladimir waxa uu intaa kusii daray hadalkiisa in Bamka lagu soo qarshay diyaarada islamarkaana ay ku qaraxday hawada sare.

Vladimir waxa uu tilmaamay in baaritaanka rakaabka uu ahaa mid fudud taasina ay sahashay in lagula soo dhex dhuunto Bamka, kadibna sidaa uu ku dhaco Qaraxa aan laga gaarin dantii laga lahaa.

Sidoo kale, duuliye Vladimir waxa uu carabaabay in Ujeedka uu ahaa in diyaarada laga soo rido hawada sare, balse aysan suuragalin sidaana uu kusoo dajiyay diyaarada iyada oo qeyb dhan ka ololeyso.

Docda kale, Vladimir ayaa sheegay in wixii ka dhacay gudaha diyaarada uu hubo inuu ahaa Qarax laga shaqeeyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com