Akhriso: Warqadii uu Maareeye shaqada uga joojiyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Maxamed Cabdi Xayir, ayaa Shaqo joojin ku sameeyey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Cabdillahi Xiyir Ducaale.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir, ayaa lagu amray Agaasimaha inaanu sii wadi Karin howsha uu Qaranka u hayo ilaa iyo amar danbe.

Shaqo joojinta Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga ayaa sabab looga dhigay maamul xumo iyo wax is-daba marin ka socotay Wasaaraddiisa.