Wasiirka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Oo Xaalufis Kuhaya Shaqaalaha Wasaaradiisa

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir maareeye ayaa shaqadii ka joojyey agaasimihii guud ee wasaaraddaasi agaasimaha Waaxda Ganacsiga.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha  Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa shaqadii ka joojiyay Agaasimihii Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Wasiir Maareeye oo dhowaan xilka loo magacaabay ayaa Wareegto uu soo saaray shaqadii uga joojiyey Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Cabdillahi Xiyir Ducaale isagoo sabab uga dhigay maamul xumo iyo wax is-daba marin ka socotay Wasaaraddiisa.

Qoraal kasoobaxay xafiiska wasiir maareeye ayaa lagu amray in agaasimaha guud uu 48 saacadood gudahood xilka ku wareejiyo  Agaasimamha cusub oo lagu magacaabo C/kariin Maxamuud Axmed oo hore u hayey xilka agaasimaha mashaariicda Wasaarada Ganacsiga kaas oo dhawaan uu magacaabay maareeye.

maareeye ayaa soo saaray labo wareegto tan iyo markii uu xilka qabtay waxa uuna horey shaqada uga joojiyay wakiiladii Ganacsiga safaaradihii Soomaaliya ay ku lahayd in ka badan 10 dal.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com