Cadaado (Caasimada Online)-Hogaamiyaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa markii ugu horeysay soo saaray amar lagu joojinayo shirarka siyaasadeed ka socda magaalada Cadaado iyo deegaanada hoostaga maamulka.
Hogaamiyaha ayaa amray inaan shirar aan ogolaansho looga heysan maamulkiisa lagu qaban karin magaalada, waxa uuna laamaha amaanka ku amray inay joojiyaan shirarka.
Waxa uu shirarka ogolaansho la’aanta ku micneeyay inay wax u dhimayaan amniga iyo xasiloonida deegaanada Galmudug.
Amarkan ayaa ka dambeeyay, markii ay soo baxday warar sheegaya inuu socdo qorshayaal ka dhan ah Madaxweyne Xaaf oo la doonayo in xilka looga qaado.


