Kheyre: Waxa uu adduunka naga aaminsan yahay anagu iskama aaminsanin

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa daboolka ka qaaday in Soomaalida laga doonaayo inay dib usoo celiyaan mooraalkooda.

Kheyre waxa uu sheegay inuu dareemaayo farqi u dhexeeya waxyaabaha ay iska aaminsan yihiin Soomaalida iyo sida uu caalamka ka aaminsan yahay.

Waxa uu tilmaamay in Soomaalida ay aamineen inay ku jiraan burbur aan dawo laheyn, isla markaana ay ka niyad jabeen inay dib usoo nooleeyan rajadooda hormarineed.

Waxa uu sheegay in farqida jira uu yahay in dadka kale ee ku nool caalamka kale, ay rumeysan yihiin in Somalia ay ka gudubtay dhibaatadii ka jirtay, isla markaana ay cagta saartay dhabaha horumarka.

”Niyad jabka waaa mid ku eg soomaalida waayo adduunka dhan waxaa laga aaminsan yahay in Somalia ay ka amni iyo horumar fiican tahay wadamo badan oo dhisan”

”Waxaa la doonayaa inaan garano wixii noo wanaagsan waayo waxaa dib noo dhigay dal jaceylka oo aad noogu liito, waxaan aaminsanahay in Somalia ay ka hormari doonto dalal badan”

”Waxaan rajeynayaa in lasoo nooleeyo niyada naga jabtay, waxaa tusaale noogu filan in Ganacsatada ugu badan afrika ay yihiin Soomaali hadana aysan diyaar u aheyn in dhaqaalahooda ay gishtaan wadankooda, taa ayaa qeyb ka ah niyad jabka jira”

Kheyre ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu magaalada Washington kula qaatay dhalinyaro uu ku baraarujinaayay inay la imaadan qorshooyin ay ku hormarinkaraan dalkooda.

Geesta kale, Kheyre ayaa ku baaqay in loo midoobo Somalia oo uu sheegay inay iminka taal meel cidla ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com