Xildhibaanada kasoo horjeeda Xaaf oo soo saaray Jadwalka Doorashada iyo Shuruudo la sheegay in laga rabo musharaxa (Akhriso)

Cadaado (Caasimada Online)-Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay Jadwal la sheegay inuu noqon doono kan doorashada.

Xildhibaanada oo dhawaan sheegay inay xilka ka qaaden Hogaamiye Xaaf ay Jadwalka ku sheegay mid rasmi ah, isla markaana lagu dooran doono Hogaamiyaha cusub.

Xildhibaanada garabka ku kacsan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax maamul ah, sidaa aawgeed ay doonayaan inay doortaan Hogaamiye cusub.

Xildhibaanadu waxa ay sheegen in Jadwalka la soo saaray uu yahay Jadwalka Doorashada Galmudug, waxaana ay sameeyeen Guddiga Doorashada.