Dhageyso: Aqoonyahan ceebeystay madaxdii ku shirtay Kismaayo, sheegayna xaqiiqda dantooda

Muqdisho (Caasimada Online) – War-murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

War-murtiyeedkaas ayaa gobolladu waxay walaac ka muujiyeen qaybta ay ka helaan kaalmada caalamiga, waxay kalsoo sheegeen inay ka walaacsan yihiin sida dawladda federaalku u maamulayso arrimaha federaalaynta, dastuurka iyo xeerarka kale ee kasoo baxa dawaladda dhexe.

Aqoonyahano Liibaan Ciise oo ah professor wax ka dhigay Jaamacadda Muqdisho ayaa si aad ah u weeraray madaxdii shirkaasi ka qeyb gashay, isaga oo sheegay inay isa siiyeen awood uusan siineyn federaalka.

Waxa uu sheegay in qoraalkooda ay ka muuqatay carro xooggan, islamarkaana ay u hadleen sida inay 90% ayaga mas’uul ka yihiin dalka, oo aysan dowladda federaalka shaqo ka lahayn wax aan ka badneyn 10%.

Professor Liibaan Ciise oo wareysi siiyey VOA hoos ka dhageyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com