Muqdisho (Caasimada Online) – Warqad qoraala oo kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia Yuusuf Garaad, ayaa waxaa la hadalka warbaahinta looga mamnuucay dhammaan shaqaalaha Wasaarada.
Wasiirka ayaa warqadaasi ku amray Shaqaalaha Wasaarada inaanu la hadli karin warbaahinta iyagoo aan fasax ka heysan xafiiskiisa.
Amarka kasoo baxay Xafiiska Wasiir Yuusuf Garaad ayaa waxaa Safiirada Somalia u fadhiya caalamka looga mamnuucay inay la hadlaan Saxaafada iyagoo aan soo marin Xafiiska Wasiirka.
Waxa uu Wasiirka ku amray Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ay ku jiraan Safiirada in aysan la hadlin warbaahinta ogolaansho la’aan.
Warqadda ayaa lagu sheegay in ay waajib tahay in Safiiradda ay ogolaansho ka qaataan Wasaaradda Arrimaha dibadda marka ay hadlayaan.
Dhawaan ayay aheyd markii Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka uu Wasiirada XFS ku amray in marka ay doonayaan in ay warbaahinta la hadlaan in ay ogolaansho kasoo qaataan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.