Warbixin: Al-Islaax oo beeniyay in ay la midoobeen DAM-JADIID

Nairobi (Caasimada Online) Ururka Al-Islaax ayaa beeniyay warar dhawaan ay shaaciyeen warbaahinta gudaha oo ahaa in Ururka  Islaax iyo Dam-Jadiid ay midoobeen oo ay noqdeen hal urur.

War-Qoraal oo loogu talagalay Saxaafadda oo la soo gaarsiiyay xafiiska Shabakadda Caasimada Online ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheegay in uusan jirin kulan dhexmaray iyaga iyo Dam-Jadiid.

War-saxaafadeedka ayaa lagu faah-faahiyay arrimo badan oo horyaala hoggaan cusub oo ay yeesheen.

War-Saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Xarakada Islaax ee Soomaaliya waa xarako Islaami ah oo ka shaqaysa ku dhaqanka Diinta Islaamka; iyo sidii loo heli lahaa bulsho Soomaaliyeed oo dawlad hufan leh, horumarsan, fahamsan kuna dhaqanta mabaadi’da iyo akhlaaqda Islaamka.

Waxaa kale oo xarakadu higsanaysaa in laga dhigo guud ahaan dunida gaar ahaan gobolka Geeska Afrika meel nabad ah oo ka fog qulqulatooyinka iyo dagaalada, iyadoo laga hortegayo sababaha keeni kara dagaaladaas.

Muxuu yahay Nidaamka iyo hoggaanka Islaax?

Ururka Islaax wuxuu leeyahay xeer iyo nidaaam haga hawlihiisa iyo hogaankiisa. Nidaamka ururku wuxuu qeexayaa in hogaanka ururka la doorto shantii sanoba mar.

Haddaba Golaha Shuurada (Golaha Dhexe) ee ururku wuxuu xilli kale oo shan sano ah u doortay Dr Cali Baashe Cumar Rooraaye guddoomiyaha ururka ee shanta sanno ee soo socda (2013-2018).

Maxay ku sheegeen Islaax iyo marxalada cusub ee mareyso maanta?

ururka Islaax waxaa looga bartay u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed, iyo ka shaqaynta danta guud ee dalka. Sidaas darted, hogaanka cusub ee ururka waxaa horyaalla hawlo culus, oo ku aadan dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa umadda Soomaaliyeed laga sugayaa inay kaalin wax-ku-ool ah ka qaadato deganaanshaha iyo horumarka gobolka Geeska Afrika. Hayeeshee waxaa muuqata habacsanaan xagga amniga iyo khilaafaad siyaasadeed oo sii baahaya.

Haddaba, dalka Soomaaliya wuxuu marayaa marxalad xasaasi ah, oo ay tahay siidii uu u taabbagelin lahaa hanaankiisa dawladeed. Waxaa loo baahan yahay midnimo iyo wadajir in marxaladan lagaga gudbo.

Wax yaabaha horyaalla Al-Islaax:

1)     Adkaynta Faafiinta Diinta islaamka iyo barashadeeda oo ku salaysan fahmiga wasadiga ah.

2)     Xoojinta hawlaha samafalka iyo taakulaynta bulshada soomaaliyeed

3)     Xoojinta hawlaha waxbarashada iyo baahinteeda.

4)  In Islaax kaalin mug leh ka qaadato hawlaha siyaasadda iyo taabbagelinta dawladnimada Soomaaliya, waxayna dhiirrigelinaysaa sidii loogu gudbi lahaa hirgelinta hanaanka axsaabta badan, oo saldhig u noqda siyaasadda Soomaaliya.

5)     Xoojinta kaallinta bulshada rayidka ah qaybaheeda kala duwan ay ku leeyihiin horumarinta arrimaha bulshada.

Waxa ururka islaax ku baaqayaa in laga wada shaqeeyo xoojinta deganaanshaha Soomaaliya, iyo dhiirrigelinta mabaadi`da deris wanaagga laguna dhammeeyo arrimaha khilaafaadka siyaasadeed ee maamul gobolyada wadahadal iyo istixgelin iyo walaaltinimo.

Ururka islaax wuxuu ka xun yahay dhibaatada culus ee wadamada Carabta ee aan walaalaha nahay ka jirta. Wuxuu ururku cambaaraynayaa afgambiga milateriga iyo xasuuqa shacabka ee ka dhacay dalka Masar iyo xasuuqa loo geystay shacabka Suuriya. Waxaa ururku ku baaqayaa in la dhowro doonista shucuubta, xuquuqdoodana la ilaaliyo, iyadoo la ogsoonyahay in xilligii kelitaliska iyo ismaquunintuna uu dhamaaday.

Dhanka arimaha gudaha ee ururka islaax: waxaan cadaynaynaa inaysan jirin in Ururka islaax iyo kooxda damjadiid ay midoobeen, balse xubno Islaax ka tirsanaan jiray, oo Sheekh Maxamed garyare horkacayo ayaa ururka islaax ka tegey oo Damjadiid ku biiray.

Ugudambeen warka qoraalka ayaa lagu sheegay kooxda DAMJADIID in ay ka samaysmeen xubno ururka ahaa , oo la qabsan waayay ururka iyo hanaanka shaqadiisa, oo isaga tegey ururka Islaax, ka dibna ku biiray ururkii maxkamadaha Islaamiga 2006.

Si kastaba, ma cadda wax yaabaha ka dambeeya warsaxaafadeedkan balse kulan dhawaan ka dhacay Muqdisho ayaa lagu sheegay in ururka Islaax iyo Dam-Jadiid ay midoobeen iyagoona la baxay (Xarakada Islaax Al-Islaamiya) Waxaana madax ka ah nin ka tirsanaa DAMJADIID.

Waxaa xusid mudan in Islaax oo ah urur la dhisay sannadkii 1975-tii uu kala jabay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi