Al-Shabaab beegsanaya doorashada xildhibaanada 2020/21 oo soo galay…

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in dagaal-yahano badan oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen deegaanadooda, taasi oo halis weyn ku ah amniga doorashada maamulkaasi.

Wasiirka Amniga Hir-Shabeelle, Maxaxmed Cabdiraxmaan Kheyre oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay inay kordheen maalmihii u dambeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen deegaanada maamulkooda.

Dagaal-yahano ka tirsan kooxda Al-Shabaabka ayaa waxay si weyn isugu soo urursadeen deegaanada Hir-Shabeelle, gaar ahaan kuwa ku dhow dhow degmada Balcad.

Wuxuuna sheegay in soo galida Shabaabkaasi ay daba socotay culeys ciidan oo laga soo saaray gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay waday howl-galo ka dhan ah kooxdaasi.

Sidoo kale waxa uu xusay in howl-galadaasi ay qeyb ka yihiin sidii loo xaqiijin lahaa Amniga wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, ka hor inta aan la guda gelin doorashooyinka Hir-shabeelle.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in howl-galadaasi ay noqon doonaan kuwa sii socda, ilaa inta Shabaabka laga sifeynayo deeganadaasi.

Arrintan ayaa qeyb ka noqoneysa culeysyada kala duwan ee ay wajaheyso doorashada Hir-Shabeelle, gaar ahaan dhanka amniga, xili shalay la soo saaray jadwalka doorashada ee baarlamaanka maamulkaas iyo guddoonkaba.