Xarunta maamulka gobalka Banaadir oo biyihii laga jartay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo toddobaad ah biyo la’aan ah xarunta dowladda Hoose ee Xamar, kadib markii uu biyaha ka jartay ceelkii ay biyaha ka cabi jareen.

Ilo wareedyo ka tirsan xarunta gobalka Banaadir ka tirsan ayaa Caasimada Online u sheegay in ugu yaraan muddo shan maalmood ah ay biyo la’aan joogaan dhamaan xafiisyada dowladda Hoose ee Xamar.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gobalka Banaadir lagu yeeshay lacag bilooyin ah oo aruurtay, taasi oo la sheegay in ay tahay wax fudud oo ay bixin karaan balse ay muuqato maamul xumo iyo xil iska saarid la’aan.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in uu jiro tabasho ay qabana maamulka ceelka oo ah in ay dhib badan ka maraan bixinta lacag, taasina ay sababtay in ay sheegaan in aysan siin karin biyo maamulka gobalka Banaadir.

Arrintan ayaa si weyn looga dareemay guud ahaan shaqada dowladda Hoose, waxaana aad isu weyiinaya shaqaalaha. Qaar kamid ah xafiisyada muhiimka ayaa qaarkood xiran halka kuwa kalane ay soo gaabiyeen shaqada maalin laha ah.

Maamulka Gobalka Banaadir oo aan la xariirnay ayaa ka jawaabin sababta arintaan halka qaar kamid ah masuuliyiinta aan la hadalnay ay diideen in ay faah faahin ka bixiyaan.

Maamulka ayaa ahaa mid isku dhex yaacsan tan iyo markii uu guddoomiyaha gooblka loo magacaabay Cumar Filish.