Diyaarado dagaal oo duqeyn culus ka fuliyey GEDO

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo ay diyaaradaha Kenya maanta ka fuliyeen gudaha gobolka Gedo.

Duqeymaha oo ahaa kuwa culus ayaa diyaaraduhu waxa ay ka fuliyeen deegaano hoos yimaada magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Garbahaarey ee gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale inoo sheegay in duqeymahaasi ay si gaar ah uga dhaceen deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable.

Deeganada la duqeeyey oo ah kuwa Mii ah ayaa waxaa dagan dad rayid ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhamaan ah dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamada Kenya ayaa todobaadyadii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyo milatari ka waday gobolka Gedo, halkaasi ay ka geysteen tacadiyo ka dhan ah bani’adanimada.