Somaliland ‘oo ciqaabeysa’ qof kasta oo ka qeyb qaata doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo maanta yeeshay kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ku qabsoomay habka maqalka iyo muuqaalka ee (Video-Conference) ayaa si kulul uga hadlay arrimo ku aadan doorashada Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxaya shirka golaha wasiirada oo uu guddoomiyey madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa lagu sheegay in Somaliland ay meel ka dhac iyo gef ku tahay in xildhibaano metalaya lagu doorto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale golaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay qofka Somaliland ee qaadanayo wax ay ugu yeereen quursiga Xamar.

Golaha wasiirada Somaliland ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya ay horeyba u watay colaada ka dhanka ah qaranimada Somaliland, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale golaha ayaa uga digay muwaadiniinta Somaliland inay isku dayaan ka qeyb-galka metalaad ay sheegeen inay tahay mid been abuur ah.

“Sidaa daraadeed muwaadiniinta Somaliland ee isku daya inay ka qayb-galaan metelaada been abuurka ah ee xamar lagu hayo, waxay jebiyeen go’aankii labada golle, kana horyimaadeen xeerarka iyo shuruucda dalka u dejisan, waxaanay mudan doonaan ciqaabta sharci ee ku habboon,”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka golaha wasiirada.

Somaliland ayaa horey uga hadashay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, iyada oo shaacisay in aysan qusyen dhammaana arrimaha gudaha ee xukuumadda Muqdisho.