Xog: Mareykanka oo hakiyey bixinta mushaarka ciidanka DANAB hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan helnay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka aysan bishaan bixin mushaarka ciidanka DANAB oo markii hore qaadan jiray xiligaan ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in xubno kamid ah taliska AFRICOM u sheegeen dowladda Soomaaliya in aysan bixin doonin mushaarka ciidanka ilaa xal laga gaaro xarigga taliyihii ciidankaas Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin.

Mareykanka ayaa sheegay in si aan sharci aheyn loo heesto sarkaalka, islamarkaana ay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay sii deyso lana xaliyo tabashooyinka kale ee Jira.

“DF waxaa loo gudbiyay baaq si hoose ah waxaana la dalbaday in la sii daayo taliyaha, waxaana ilaa hadda maqan mushaarka ciidanka, xogta aan heynana waxey sheegeysaa in aan la bixi doonin ilaa laga xaliyo arrintaan,” ayuu noo sheegay mid ka mid ah saraakiisha ciidanka DANAB ee kumaandooska Soomaaliya.

Ismaaciil Cabdimaalik Maalin, ayaa muddo bil ah ku xiran xarunta wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana la sheegay in aan ilaa hadda la cadeynin sababta xarigiisa.

Mareykanka ayaa la sheegay inuu ka walaacsan yahay arrimahaan islamarkaana ay jiraan wadahadallo ay la yeesheen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya islamarkaana ay dhaqan geli waayeen balamo ay la galeen oo ah in la sii deen doono Sarkaalkaan.