Aqriso: PUNTLAND oo ku dhowaaqday go’aan farxad-geliyey shacabka Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Onine) – Puntland ayaa ku dhowaaqday in la laalay lacago canshuuro ah oo ay dowladda hoose ka qaadi jirtay, marka dib u dayactir lagu sameynayo guryaha ku yaallo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.

Duqa Boosaaso, Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyey in si rasmi ah loo joojiyey canshuurtii laga qaadi jiray dayactirka guryaha magaaladaasi.

Cabdisalaan ayaa sheegay in arrintaasi ay go’aan kama dambeys ah ka soo saareen golaha deegaanka, kadib cabasho ka timid bulshada ku dhaqan degmada Boosaaso.

Sidoo kale Duqa magaalada Boosaaso ayaa tilmaamay in lacagaasi uruurinteeda ay ku koobneyd kaliya dowladda hoose, wuxuuna sababta ay joojiyeen ku sheegay inay tahay markii ay shacabka awoodi waayeen bixinta canshuur dayactir oo ay cabasho ka keeneen.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aysan jirin wasaarad ama cid kale oo shaqo ku leh canshuurta la laalay, sida uu hadalka u dhigay.

Tallaabadan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyey shacabka ku dhaqan gudaha Boosaaso, iyada oo sheegay inay faraxsan yihiin go’aanka duqa magaaladaasi.