Wada-hadallo u billowday Galmudug iyo Ahlu Sunna iyo qorshe cusub oo socda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa markale bilaabay wada-hadallo cusub oo uu la galayo hoggaanka maamulkii gobollada dhexe ee Ahlu Sunna Waljamaaca.

Qoor Qoor ayaa xalay kulan gaar ah qasriga madaxtooyada Galmudug kula qaatay Sheekh Cabdirisaaq Ashcari oo ka mid ah xubnaha sar sare ee Ahlu Sunna.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiranaayeen, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labada dhinac, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale kulankan ayaa ahaa mid billow u ah wada-hadallo cusub oo ay yeelan doonaan hoggaanka Ahlu Sunna Waljamaac iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Qoor Qoor iyo Ashcari ay ku ballaameen kulamo kale, si loo sii amba-qaado wada-hadallada labada dhinac.

Ahlu Sunna Waljamaac oo muddo ka talineysay gobollada dhexe ayaa dagaal looga saaray magaalada Dhuusamareeb, kadib gadaal markii ay ka hor yimaadeen dhismaha maamulkii lagu soo doortay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Si kastaba ha’ahaatee Qoor Qoor ayaa horey u ballan qaaday inuu wada-hadal la furi doono cid kasto oo ka soo horjeedo maamulkiisa, si uga shaqeeyo dib u heshiisiinta.