Al-Shabaab iyo ciidamada DF oo xalay ku dagaalamay AFGOOYE + Khasaaraha

Afgooye (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda Soomalaiya iyo kooxda Al-Shabaab oo xalay saq-dhexe ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogag ka tirsan Al-Shabaab weerar toos ah ku qaadeen fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Buundada Afgooye, halkaas oo uu ka dhacay iska hor imaad la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Caasimada Online inay mar qura ku soo baraarugeen dhawaqa rasaas ka dhaceyso degmada iyo dagaal xoogan oo socdo.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkan ku dhintay ugu yaraan hal qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen 2 kale, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka ee aan la xiriirnay.

Ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa milatariga Soomaaliya ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in dagaalka, kadib ay howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah Afgooye.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Afgooye oo hoostagta Koonfur Galbeed ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo iyo weeraro ay kusoo qaado kooxda Al-Shabaab oo ku xoogan gobolka Shabeelaha Hoose.