Al-Shabaab oo dagaal ku bilowday madaafiic xalay ku qaaday magaalada Marka

Marka (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay dagaal culus uu ka dhacay degmada Marka ee xarunta gobolkaasi.

Dagaalka o u dhexeeyey ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa ku billowday madaafiic, sida ay xaqiijiiyeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka madaafiicda markii lagu hore lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Marka, waxaana xigay iska hor-imaad dhex-maray labada dhinac.

Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in halkaasi uu ka qarxay dagaal saacado socday oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas iyo dagaalka xigay, balse xaaladda aya haatan ah mid degan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa inay howl-gallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaaladaasi.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolka Sh/Hoose.