Al-Shabaab oo dil toogasho ku fuliyay oday 70 jir ahaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in degmada Tiyeegloow ee ka tirsan gobolkaas ay maalintii shalay meel fagaare ah ku toogteen dagaal-yahanada Al-Shabaab odey 70 sanno jira.

Al Shabaab ayaa ninka odeyga ah ku eedeyay inuu ka shaqeyn jiray arrimaha sixirka, oo la sheegay inuu u adeegsan jiray sidii uu lacag badan uga sameyn lahaa.

Waxay maxkamadda Shabaabku sheegtay in Ninkaan oo lagu magacaabo Isxaaq Xasan Daa’uud uu qirtay dambiga lagu eedeeyay, isla markaana uu muddo ku siman 20 sanno ku shaqeysan jiray sixirka.

Isxaaq ayaa lagu soo waramayaa in uu sixirka ku kala geeyay lamaanayaal badan, halka kuwo kale oo isugu jira rag iyo dumar iskugu soo dhaweeyay.

Ninkaan ayaa waxa shalay lagu toogtay goob ay ku sugnaayeen dadka deegaanka Tiyeegloow ee gobolka Baay oo ay dagaal-yahaanada Al-Shabaab ku amreen inay shaahid u noqdaan falkaas.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan deegaanada ay gacanta ku hayso ka fulisa dilal toogasho, kuwaasi oo ay sheegto in kiisaskooda ay xukumaan maxkamadahooda, kadib marka ay helaan cadeymo ku filan iyo qiraalka eedeysanayaasha.

Xubnaha ay Shabaab ku fuliso dilka toogasho ayaa waxay muddooyinkii dambe u badnaayeen kuwo ay la xiriiriso falal ‘jaajuusnimo’ ah oo ay la shaqeeyan dowladda Soomaaliya iyo dowladaha saaxiibka la ah ee dagaalka xoogan kula jira.