Al-Shabaab oo goob fagaare ah maanta ku toogatay FAARAX Axmed Cumar

Afgooye (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa toogasho ku fuliyey Faarax Axmed Cumar oo ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kadib markii ay gacanta ku dhigeen xoogaga kooxdaasi.

Faarax oo 43 jir ah ayaa lagu toogtay fagaare ku yaalla duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, iyada oo sheegay inuu ka tirsanaa Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan guutada 7aad ee qeybta 60-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa fagaaraha lagu toogtay ninkan ku sugnaa dadweyne fara badan oo la’isugu yeeray halkaasi iyo saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ninkan uu qirtay eedeynta loo soo jeediyey ee ah inuu ka tirsanaa dowladda, kadibna sidaasi lagu toogtay.

Faarax Axmed Cumar  ayaa markii u gacan galayey Al-Shabaab laga qabtay inta u dhexeysa deegaanka Warmaxan iyo degmada Walanweyn, xilli au ku socdaalayey halkaasi.

Marar badan Al-Shabaab ayaa goobo fagaare ah ku toogtay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda oo ay dagaallo ku qabteen, taas oo marar badan ay warisay warbaahinta.

Inta badan kooxdan ayaa xukuno kala duwan oo  u badan dilal toogasho ah ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.