Al-Shabaab oo gubay guryo xilli ay sii wadaan DAGAALKA iyo beegsiga SHACABKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay guryo ku gubeen tuulooyin hoos taga degmada Baxdo ee gobolka.

Guryaha ay gubeen Shabaab ayaa waxaa deganaa dad shacab ah, waxayna tuulooyinka la gubay kala yihiin Biyo Days oo 15KM u jirta degmada Baxdo iyo tuulada Meegaag Duub oo Baxdo u jirta 18KM.

Xalay saqdii dhexe ayey aheyd markii la gubay guryaha, illaa haddana jiro wax khasaaro nafeed ah oo laga soo wariyay dhacdadaan.

Sida ay sheegen dadka deegaanka guryaha la gubay ayaa ahaa guryo aysan cidna jiifin xiliga dabka la qabadsiiyay.

Toddobaad ka hor ayey aheyd markii kooxda Al-Shabaab ay gubeen Ceelal iyo Barkado ku yaala deegaanno hoostaga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, waxayna middaan noqoneysa dhacdadii labaad oo ka dhacda Galmudug.

Al-Shabaab ayaa dhankooda muujiyey cadaawad adag oo dadka reer Hiiraan ay u qabaan, wixii ka dambeeyey markii uu qarxay kacdoonkaan, waxayna laayeen dad badan, sidoo kale waxay cunaqabateeyeen cid kasta oo deegaanadaas ku nool.

Inta u dhaxaysa Maxaas iyo Beledweyne habeeno ka hor Al-Shabaab waxay ku laayeen in ka badan 20 qof, halka ku dhawaad 10 gaari ay dab qabadsiiyeen, falkaas oo aad looga argagaxay ayaa reer Hiiraan ku sii dhiira-geliyey kacdoonka ay isaga xoreynayaan kooxda Al-Shabaab.