Magacaabista Gudoomiyaha cusub ee G/Banaadir: Afar qodob oo aan laga boodi karin

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa miiska u saaran magacaabista guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho. Labadaan xil oo mar la hadal hayey in la kala qaadi doono ayaa hadda u muuqda in sidii hore loo dhaafi doono.

Horey wuxuu madaxweynaha u muujiyey in qabyadii uu ka tagay inay kamid aheyd inuu Muqdisho u sameeyo maamul madax banaan. Dad badan ayaa olole ugu jira kursigan.

Xubnaha raadinaya waxaa ku jira rag horey usoo maamulay gobolka Banaadir oo ay qaarkood leeyihiin diiwaan wanaagsan. Sidoo kale dhallinyaro siyaasadda ku cusub oo dhanka hey’adaha caalamiga ah kasoo shaqeeyey ayaa kamid ah magacyada miiska u saaran madaxweyne Xasan Sheekh.

Laakiin marxadda ay maanta Muqdisho ku jirto ayaa adkeeneysa xulashada madaxweynaha. Xasan Sheekh oo xilalkii muhiimka ahaa ee dowladda ku tixay xisbigiisa UPD ayaan la ogeyn jihada uu la aadi doono kursigaan muhiimk ah.

Haddaba waxaan eegeynaa afar arrimood oo looga baahan yahay in laga helo qofka loo dhiibaayo hoggaanka gobolka Banaadir maadaama weli sida muuqata lagu sii socon doono marxaladda magacaabista.

  1. Amniga

Muqdisho waxay ku jirtaa xilli aad u qaraar xagga amniga sanado badan ayey soo tixneyd amni xumada caasimadda. Waxyaabaha loo aaneeyo waxaa kamid ah in amniga caasimadda uusan hoos tagin maamul gobolka Banaadir.

Guddoomiyaashii gobolka soo maray badankood ma aheyn dad haya talo amni ama loo ogol yahay inay faraha la galaan arrimaha amniga caasimadda iyadoo la ogyahay inay qeyb ku leeyihiin eeda amni xumada.

Tani waxay hoos u dhigtay qiimaha kursigaan. Guddoomiye gobol oo aan wax talo iyo go’aan ku laheyn mushkiladda ugu weyn ee shacabkiisa heysata waa dhibaato kale.

Maadaama hadda la filayo in hoggaan cusub la  magacaabo waxaa muhiim ah in la helo guddoomiye gobol oo haya aragti wax looga badali karo amniga caasimadda sidoo kalana qaadan kara mas’uuliyadda amniga.

Madaxda dowladda cusub waxaa hor taaala wax ka duwan dhaqankii hore.

  1. Dhaqaalaha

Xamar waa isha koowaad ee dhaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaa ka jira xilligaan hoos u dhac dhaqaale oo saameeyey guud ahaan shacabka. Sicirka cuntada ayaa sare u kacay.

Al-Shabaab ayaa kordhisay lacagaha ay ka aruursato ganacsatada magaalada Muqdisho. Daacish ayaa iyadana sidoo kale bilowday lacag noocaas ah.

Dhaqaalihii dowladda Soomaaliya uga soo xaroon jiray magaalada caasimadda ah ayaa hoos u dhacay. Qofka laga dhigayo duqa magaalada Muqdisho waa inuu hayaa aragti abuuri karta isbadal dhaqaale, yareyn karta lacagaha Al-Shabaab kasoo gasha magaalada Muqdisho, indha buuxin kara canshuur bixiyaasha oo maareyn kara sicir bararka.

  1. Maareynta Al-Shabaab

Dowladda dhexe ee Soomaaliya inay guuleysato waxay ku xiran tahay sida ay u maareyso nabadda magaalada Muqdisho. Haddii aan Al-Shabaab laga adkaan lama hanan karo qalbiyada dadka reer Muqdisho.

Mar walba dadka loo dhiibo hoggaanka gobolka Banaadir waxay isku ekeysiiyaan inaysan waxba ka quseyn la macaamilka Al-Shabaab oo ay tahay shaqo u taalo dowladda dhexe.

Dhaqankaan inuu sii jiro waa dayacaad shacab. Qofka uu madaxweyne Xasan Sheekh siinayo kursiga guddoomiyaha gobolka banaadir waa inuu noqdaa qof haya dariiq shacabka caasimadda iyo maamulka isaga kaashan karaan dagaalka ama xal u helidda Al-Shabaab loogana wada shaqeyn karo horumarka deegaanka.

Sidoo kale, waa inuu yahay qof abuuri kara wacyi bulsho oo kabayo dowladda dhexe.

  1. Maqaamka caasimadda

Banaadir oo ah gobolka ugu dadka badan guud ahaan gobolada ay Soomaalidu dagto matalaad kuma lahan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, caasimadduna maqaam malahan.

Xasan Sheekh wuxuu ololihiisa ku ballan qaaday inuu arrintaasi hirgelin doono haddii dib loo doorto. Hadda fursadda gacantiisa ayey ku jirtaa, waxaana muhiim ah inuu keeno guddoomiye gobol oo idman lehna caqli, aqoon iyo aragti uu magaalada ku gaarsiin karo inay maqaam hesho.

Weliba dadka qaarkood waxay qabaan in sanado cayiman la siiyo qofkaas si uu arrinta maqaamka uga shaqeeyo oo lagu daro waxyaabaha hortabinta u leh xulashada.

Qof aragti ka heysto afartaan qodob iyo qaar kaloo badan laguna tuhmayo inuu fulin leeyahay, dadka indha buuxin kara, aaminaad lagu tuhmayo, eedo hore aan loo qabin oo dadka iyo deegaanka aqoon u leh ayaa badi loo arkaa inay muhiim tahay inuu madaxweynuhu u xusho kursiga guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho.