Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa fuliyay olole caafimaad oo lagu sameynayo qalliimo wadnaha ah 11 carruur Soomaaliyeed oo muddo dheer la noolaa xanuunnada wadnaha, kaddib markii maamulka uu bixiyay dhammaan qarashaadka daaweynta iyo qalliinnada carruurtaasi.
Munaasabadda daah-furka ayaa waxaa ka qeyb gashay Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Bilan Bile Maxamuud, oo sheegtay in qaar kamid ah carruurta la daweynayo ay xanuunka wadnaha qabeen muddo gaareysa 10 sano, halka qaar kale ay la noolayeen 8 sano iyo muddo sanad ah.
Waxay tilmaamtay in waalidiinta carruurtaasi aysan awoodin qarashaadka culus ee ku baxaya qalliinnada iyo adeegyada caafimaad, taasoo sababtay in carruur badan ay muddo dheer sugayeen fursad lagu badbaadiyo noloshooda.
Xoghayaha ayaa bogaadisay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), iyadoo sheegtay in uu dadaal weyn geliyay sidii carruurtaan ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo tayo leh.
“Badbaadinta carruurtan waxay la mid tahay badbaadinta 22 qof, sababtoo ah hooyada iyo ilmaheeda waa isku xiran yihiin. Marka ilmuhu xanuunsan yahay, hooyaduna naf ahaan iyo maskax ahaanba way xanuunsan tahay,” ayay tiri Bilan Bile Maxamuud.
Qalliinnada wadnaha ee carruurtan lagu sameynayo ayaa waxaa fulinaya Somali Sudanese Hospital, oo kamid ah xarumaha caafimaad ee hormuudka ka ah daaweynta cudurrada wadnaha ee magaalada Muqdisho.

