Al-Shabab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaalkii Janaale

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa billowday, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho & dhaawacba leh.

Taliyaha Ururka 83-aad ee Guutada 14-ka October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa xusay in magaalada kusoo bandhigeen meydka xubin ka tirsan Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay ka careen raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad-joogaan xubnihii kale ee baxsaday, ayna howlgallo ka wadaan agagaarka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka ay sheegeen in dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi, iyaga oo ka cabsi qaba inay markale dagaalamaan labada dhinac.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabusho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo kala duwan oo khasaare geysta.