25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Al-Shabaab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaal maanta ka dhacay Janaale

Bookmark
Bookmarked

Share

Janaale (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhexeeyay ciidamada dowlada iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraray halkaasi.

Xubnaha Al-Shabaab ayaa weerarka ku beegsaday saldhig ciidamada milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal u dhexeeyay labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka jab culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla markaana inta badan goobta lagu laayay maleeshiyaadka duulaanka soo qaaday.

Ugu yaraan 8 xubnood ayaa laga dilay kooxda, iyada oo laga dhaawacay tiro intaasi ka badan oo ay goobta ka jiiteen, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhanka kale waxaa dagaalka ku dhintay saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda, iyaga oo dhaawacyo ay soo gaareen 5 kale, kuwaas oo haatan lala tacaalayo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale, goobta lagu dagaalamay iyo guud ahaan saldhigga waxaa gacanta ku haya milatariga Soomaaliya oo illaa iyo haatan dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoojiyay weeraradooda Shabeellaha Hoose, waxaa dhawaan sidaan oo kale u beegsadeen saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Cumar Beere oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolkaasi, kaas oo dhaliyay khasaare culus.

Weerarada ayaan kusoo aadayo, xilli haatan howlgallo culus oo xoreyn ah ay ka socdaan gobolka, kuwaas oo ay guullo waa wayn ay kasoo hooyeen ciidanka dowladda iyo kuwa AUSSOM.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamadu ay qabsadeen degmada Awdheegle, halkaas oo laga fara maroojiyay kooxda oo muddo gacanta ku haysay degmadaasi.

Waxaa kale oo la xoreeyay deegaannada kala ah Bariire, Sabiid iyo Caanoole, kadib dagaallo ay halkaas ku qaadeen ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Uganda ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News