Al-Shabaab oo joojiyay shir ka dhici lahaa Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay oo ka tirsan Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Caasimada Online u sheegay in laga joojiyay shir ay magaalada Muqdisho ku yeelan lahaayeen ganacsatada, kuwaas oo damacsanaa in ay soo dhaweeyaan kala diristii Rugta Ganacsiga Soomaaliya.

Shirkan ayaa 29-kii bishii hada dhamaatay ee December la damacsanaa in lagu qabto hoteelka Seytuun ee Suuqa Bakaaraha, waxaana sidoo kale la diiday inta badan hoteellada Muqdisho in ay mart-geliyaan.

Si rasmi ah looma oga sababta ay Al-Shabaab ugu diideen ganacsatada Muqdisho in ay taageeraan kala dirista Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, hase waxaa la sheegayaa in Al-Shabaab ay si weyn u taageersanayaaneen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo 28-kii isla bishaas la-kala diray.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inaysan dooneyn inu dhaqan galo amarka dowladda, ayada oo isku aragta inay ka awood iyo saameyn badan tahay dowladda, marka ay noqoto ganacsiyada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Rugta Ganacsiga kala dirtay islamarkaana ay ujeedka tahay in dib u habeen ballaaran lagu sameeyo Rugta oo sanadihii ugu dambeeyay khilaaf culus ka dhax jiray.

Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa hore u xiray masuuliyiin sare oo ka tirsan Rugta Ganacsiga Gobalka Banaadir. kuwaas oo la sheegay in ay Al-Shabaab ku taliyeen in loo magacaabo xilalka ay hayaan.