Jeneraal Xuud oo weerar ku qaaday Cali Guudlaawe, dalbadey-na arrin cusub

Beledweyne (Caasimada Online) – Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo hogaamiya Jabhda kasoo horjeeda maamulka cusub ee HirShabeelle ayaa markale weerar xoogan oo afka ah ku qaaday madaxweynaha cusub ee maamulkaas, Cali Guudlaawe oo ku tilmaamay shaqsi lasoo dirsaday.

Jeneraal Xuud ayaa sheegay in Cali Guudlaawe uu soo dirtay madaxweyne Farmaajo, isla markaana uusan aheyn shaqsi qiimo leh oo hankiisa ku koray kursiga u sareeya ee maamulka HirShabeelle.

“Cali Guudlaawe waa cunug uu soo dirsaday Farmaajo oo nin qiimo leh maaha, waxaan arrinta HirShabeelle kala hadlaya dowladda federaalka oo asaga keensatay,” ayuu yiri Jeneraal Xuud oo wareysi ku bixiyey duleedka Beledweyne.

Sidoo kale waxa uu madaxweyne Cali Guudlaawe ku sifeeyay cunug lasoo dirtay oo ay ka dambeeyso dowladda federaalka, isla markaana uusan u aqoonsaneyn madaxweynaha HirShabeelle.

Waxa uu xusay in uu ku gacan seyray dalab uga yimid dowladda oo ahaa inuu tago magaalada Muqdisho, si xal looga gaaro tabashooyinkiisa, kaasi oo uu ubandhigay wasiirka arrimaha gudaha oo dhawaan socdaal ku tagay HirShabeelle, isla markaana la kulmay Jeneraalka.

Waxa kale oo uu si cad u sheegay inuusan marnaba ogolaaneyn in uu u safro Muqdisho si uu kulamo ula qaato madaxda dowladda, balse uu goobtiisa ku sugayo madaxda sarre ee qaranka, si xal kama dambeysa ah looga gaaro xiisada maamulka HirShabeelle oo kasii dartay.

Xuud ayaa ugu dambeyntiina carabka ku adkeeyay in xiisada HirShabeelle uusan wada-hadal ka geli doonin, ilaa inta madaxda dowladda federaalka ee maamulka cusub dhistay ay asaga ugu yimaadaan goobta uu ka jabhadeynayo.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay cirka isku sii shareertay xiisadda ka taagan gobolka Hiiraan ee u dhaxeysa ciidmada dowladda federaalka iyo jabhada uu hoggaamiyo Jeneraal Xuud, iyada oo dhowr mar uu dagaal ku dhex-maray duleedka magaalada Beledweyne.