Al-Shabaab oo ka hadashay magaca cusub ee ay u bixisay dowladda federaalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si adag uga hortimid go’aankii ay ku dhawaaqday dowladda federaalka Soomaaliya ee adeegsiga magaca “Khawaarij”.

Warbaahinta kooxda ayaa baahisay in magacaan cusub uu yahay meel ka dhac ah oo macneheeduna noqonayo koox qaloocan oo xag-jir ah, taasi oo ay ka horyimaadeen hogaanka Al-Shabaab.

Afhayeenka Al-Shabaab Maxamuud Cali Raage (Cali Dheere) oo la hadlay Idaacadda ku hadasha afka kooxda ee loo yaqaano Al-Furqaan ayaa sheegay “in adeegsiga eraygaasi uu qeyb ka yahay dacaayadaha ay dabada ka riixayaan wadaado taageersan dowladda.”

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan mamnuucday adeegsiga magaca Al-Shabaab, ayada oo warbaahinta iyo shacabka ka codsatay in kooxdan loogu yeero “Khawaarij”.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa lagu reebay faafinta afkaaraha khawaarijta ee ku saleysan Kaligii-muslinimada, dilka, isdilka iyo naftii halignimada aan sal ku laheyn Diinteena Islaamka ee Xaniifka ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay qaaday tallaabooyin dhowr ah oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, ayada oo la macaamilka kooxda ku sheegtay fal-dambiyeed Qaran, iyadoo ciddii lagu helaana lala tiigsan doono sharciga.

Go’aannadan ayaa qeyb ka ah fatwo lagu taageerayo ciribtirka Al-Shabaab oo kasoo baxay shirkii wasaaradaha arrimaha awqaafta dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

Dagaalka dhanka ra’yiga ah ee dowladda ay kula jirto argagixisada ayaa sii xoogeysanaya ayada oo hore ay uga xirtay warbaahinta kooxda ee baraha internet-ka ee gudaha Soomaaliya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dowladda federaalka Soomaaliya ay magac kale u sameyso Al-Shabaab, ayada oo 2015-kii ay dowladdu soo saartay in warbaahinta ay kooxdan xagjirka ah ugu yeerto “Ugus”.