Al-Shabaab oo QARAX ka geysatay dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga halayo gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ay Al-Shabaab ka fulisay deegaan hoostaga magaalada Mandheera, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen shaqaale Kenyaan ah oo u shaqeynayey shirkad dhismo, waxayna ku sii jeedeen dhanka deegaanka Wargadud-Takaba oo ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Bari ee Wadanka Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 qof oo ka mid ah shaqaalaha, halka uu burbur soo gaaray baabuurkii ay la socdeen.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen inay wadaan howlgal ay ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday marka ay qaraxa fuliyeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxaan uu qayb ka noqonayaa weeraro maalmahaan dambe ka dhacayey halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ugu jiraan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka socda Soomaaliya.