Al-Shabaab oo shaacisay inay weerar ku dishay askar ka tirsanaa ciidanka ATMIS

Baraawe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada howlgalka ATMIS iyo dagaalayahanada Al-Shabaab ay ku dagaalameen deegaanka Buulo-colow oo hoostaga magaalada Baraawe ee gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii ay xoogaga Al-Shabaab weerar dhowr jiho ah ku qaadeen saldhig ciidamada Uganda ee qaybnta ka ah ATMIS ku leeyihiin halkaasi, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey labada dhinac.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana uu jiro khasaare xoogleh.

Al-Shabaab oo war ka soo saartay weerarkan ayaa guullo ka sheegatay waxayna shaacisay inay ku dishay ugu yaraan 8 askari, halka ay dhaawacday 6 kale, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay howlgalka ATMIS, ex AMISOM iyo maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo ku aadan weerarkaas iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo haatan laga dareemaya duleedka magaallo xeebeedka Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Gobolkaan oo ay howlgallo ka wadaan ciidamada huwanta ayaa waxaa weli ku xoogan kooxda Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka geysta halkaasi.