Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah gaysay magaalada Jowhar xilli la filayo in doorashooyin ay ka bilowdaan Dowlad-goboleedka HirShabelle, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka madaxda maamulkaasi.
Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa ka tirsan Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka, waxayna ku biirayaan ciidamadii dowladda ee horay u joogay halkaasi.
Wasiirka Amniga HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Khayre oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa beeniyay in dhaq-dhaqaaqan uu la xiriiro siyaasad, waxaase uu xaqiijiyay in ciidamadu ay sugi doonaan ammaanka Jowhar, isla markaana ay ka qayb qaadan doonaan howlgallada socda.
“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan. Ciidamada maanta tagay Jowhar waxay u tageen howlgallo lagu xaqiijinayo amniga laguna ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah”. ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in HirShabelle iyo Dowladda Dhexe ay ka mideysan yihiin qorshaha amniga, isla markaana ay si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xasilinta caasimada Jowhar iyo guud ahaan deegaanada HirShabelle.
“Dowladda Hirshabelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya labaduba way ka mideysan yihiin qorshaha lagu adkeynayo amniga, waxayna si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida dalka”. ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.
Tallaabadan ciidan ee ay dowladda u qaaday dhanka HirShabelle ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawan sidaan oo kale ciidamo loogu daabulay Koonfur Galbeed, kadibna meesha laga saaray madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.
Si kastaba, qorshaha Dowladda Federaalka ayaa haatan ah in doorashooyin ay ka qabato Maamul-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle, maadaama madaxdooda uu mar hore ka dhammaaday muddo xileedka.

