Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag uga hadlay weerar uu sheegay inay ku soo qaadeen ciidamada dowladda, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Sheekh Shariif ayaa si cad u sheegay inuu is-difaacayo, isla markaana uu xabbad ku ridi doono cid kasta oo xabbad ku soo ridda, isagoo intaas ku daray inuusan mar dambe ka aamusi doonin falalka uu ku tilmaamay kuwa guracan ee lagu bartilmaameedsanayo.
“Saraakiisha ciidanka iyo ciidamada qalabka sida su’aashan ayaan rabaa inaan weydiiyo: Madaxweynaha waqtigiisii waa dhammaaday, annagana dambi ma gelin. Maxaa keenaya in nala cabsi-geliyo oo ciidan nalagu hareereeyo? Maxaad sidaas u sameyneysaan? Ma mushaarka dartii mise sharciga ayaa idin faraya? Arrintaas ayaan rabaa inaan fahmo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Sidoo kale, wuxuu sheegay inaysan marnaba carari doonin, haddii Xasan Sheekh iyo ciidamadiisu u maleynayaan in mucaaradku cararayo marka la weeraro, sida uu hadalka u dhigay madaxweynihii hore.
“Habeen iyo maalin dad ayuu noo soo dirayaa, iyadoo dadkii uu noo soo diray nala fadhiyaan ayaa haddana la leeyahay ciidan ayaa la keenay,” ayuu yiri Sheekh Shariif, oo sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu mar kasta mucaaradka u soo dirayo ergo aanu daacad ka ahayn.
Hadalka Sheekh Shariif ayaa yimid kadib iska horimaad ka dhacay agagaarka bar koontarool oo ku dhow hoyga uu ka degan yahay xeebta Liido, kaas oo dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa ilaaladiisa.
Iska horimaadka oo socday muddo kooban ayaa waxaa la maqlayay rasaas culus, iyadoo daqiiqado gudahood ay xaaladdu noqotay mid deggan. Dagaalkan ayaa ku billowday si kedis ah oo aan la fileyn.
Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ciidamo xooggan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka culus dhigtay waddooyinka gala guriga uu Sheekh Shariif ka degan yahay xeebta Liido, gaar ahaan agagaarka gurigii madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.
Ciidamadan ayaa xiray waddooyinka, waxayna gaadiidka iyo dhaq-dhaqaaqyada kale ka hor istaageen inay maraan, taas oo culeys ku noqotay Sheekh Shariif, maadaama la xaddiday isu socodka dadka iyo gaadiidka ku sii jeeda hoygiisa.
Sidoo kale, qeybo kale oo ka mid ah magaalada ayaa la geeyay ciidamo xooggan oo xiray waddooyin, isla markaana xaddidaya isu socodka gaadiidka. Ciidamo ka tirsan booliska ayaa galabta dagaal muddo socday ku galay bar koontarool oo ay ku lahaayeen aagga uu degan yahay ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in kooxo maleeshiyaad abaabulan ay weerareen bartaas koontarool, halkaas oo boolisku ku sugayay amniga.
Guud ahaan, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa xilligan ah mid laga dareemayo xiisad iyo kacsanaan, iyadoo dadku ay ka cabsi qabaan in gacan-ka-hadalka uu intaas ka sii ballaarto.

