Al-Shabaab oo shaacisay qabiilka ninkii fuliyey qarixii labaad ee BELEDWEYNE

Beledweyne  (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii fuliyey qarixii labaad ee todobaadkii hore ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Hadal dardaaran ah oo laga duubay ninkaan ka hor inta uusan fulin weerarka oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo lala beegsaday dhaawacyada ka dhashay qarixii koowaad ee ka dhacay xarada Lamagalaay ee lagu dilay xildhibaan Aamina ayaa magaciisa ku sheegay Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare), da’diisuna tahay 23.

Khaalid ayaa sidoo kale ku sheegay wareysiga laga duubay inuu kasoo jeedo Beesha Dabarre, gaar ahaan Jufada Gaashmuuge, isla-markaana uu ku dhashay deegaanka Kurtun oo ka tirsan degmada Bu’aale ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inuu markii hore ka tirsanaa garabka loo yaqaano Jeyshka, ka hor inta aanu ku biirin kooxda ismiidaamiyeyaasha ah.

Waxaa Maxamed Nuur Aadan Cali (Khaalid Yare) ka horreeyey Maxamuud Cabdulqaadir oo ahaa wiil 25-sano jir ah, kaas oo isku qarxiyey Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed, sida ay baahisay kooxda Al-Shabaab oo sii deysay cod laga duubay ninkaasi.

Sida uu codka la baahiyey ku sheegayo Maxamuud ayaa ka dhashay beesha Mareexaan, wuxuuna ka sii ahaa Jufada Cali-Dheere.

Qaraxyadaan oo dhacay 23-kii bishaan March ayaa qal-qal xoogan ka abuuray magaalada Beledweyne, waxaana ku dhintay illaa 48 ruux, halka ay ku dhaawacmeen 108 kale, oo isugu jiray musharixiin xil doon ah, odayaal dhaqameed, askar iyo dad kale oo shacab ah.