Maxay ka dhigan tahay inuu Sanbaloolshe dib ugu soo laabto Golaha Shacabka?

Beledweyne (Caasimada Online) – Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa shalay kusoo baxay kursiga #HOP058. Doorasho Beledweyne ka dhacday oo ay 7 xubnood ku loolameyn ayuu taliyihii hore ee NISA ku adkaaday wareegga hore isagoo helay 54 cod.

Dadka la tartamay Sanbaloolshe waxaa kamid ahaa hoggaamiyihii hore ee maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Cosoble oo sanadkii 2016 madax ka noqday maamulka HirShabelle gacantiisana ku maamulay doorashadii heer federal ayaa maanta heli waayey kursiga beeshiisa.

Musharixii horey ugu fadhiyey kursigaan Nuur Iidow Beyle ayaa ka haray tartanka kadib markii la furay kursiga. Sanbaloolshe ayaa kursigaan waayey kadib markii uu madaxweyne Farmaajo u magacaabay taliyaha NISA horaantii bishii April ee sanadkii 2017.

Waa wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya iyo safiirkii hore ee UK, kamid noqoshadiisa baarlamaanka 11-aad waxay ka dhigan tahay inay golaha wada-joogaan sadddex taliye oo horey usoo hoggaamiyey NISA intii uu Farmaajo xukunka hayey, waa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, Yaasiin Farey oo hadda ku sime ka ah NISA iyo Sanbaloolshe.

Wuxuu kamid noqonayaa xubno 30 ku dhow oo Nabad-Sugidda soo maray ama weli ka tirsan oo ku biiray baarlamaanka 11-aad. Ninkaan oo ka tirsan xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh wuxuu Afartii Sano ee ugu dambeysay kamid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday nidaamka madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu ahaa nin afkaar kulul oo soo bandhiga gunta doodaha yaalla Soomaaliya, doorashadiisa waxay ka dhigan tahay in xubin muhiim ah uu kusoo biiray baarlmaanka iyo inay bateen xildhibaanada jiheyn kara Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Cali Guudlaawe marka la eego sida uu kuraasta qaar u dhigay wuxuu u muuqdaa Nin abaabulay doorasho hufan oo ay dadka ku qanci karaan.