Al-Shabaab oo shan qof ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Jilib + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay shan nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya Mareykanka.

Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Raggga la toogtay oo uu ku jiray Oday 63-sano jir ah ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inay la shaqeeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CID-da.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in raggan qaarkood la qabtay, iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya.

Shaqsiyaadka toogasha lagu fuliyey ayaa kala ah:- 1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay  Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.