Al-Shabaab oo sheegasho deg deg ah ka soo saartay weerarka ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa si deg deg ah u sheegatay qaraxyo iyo weerar toos ah oo caawa ka socda Hotelka Xayaat oo ku yaalla agagaarka isgoysaka KM 4 ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Bayaan kooban oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen Hotel Xayaat, kuwaas oo wada toogasho toos ah oo lagu beegsanayo masuuliyiin ka tirsan dowladda oo Hotelka ku sugnaa.

Sidoo kale warka Al-Shabaab waxaa lagu sheegay in qarax kale ay sarakiil boolis ah kula beegsadeen agagaarka xarunta CID-da, kuwaas oo gurmad ahaan ugu socday goobta, waxaana halkaas ka dhashay khasaare kale.

Markii laga soo tago sheegashada Al-Shabaab ugu yaraan seddax qarax oo labo la xaqiijiyey inay kala ahaayeen gaari iyo nin kaligiis si toos ah isku qarxiyey ayaa Hotel Xayaat ka dhacday.

Intaas kadib waxaa Hotelka gudaha u galay rag aad u hubeysan oo aan weli tiradooda la aqoonsan, kuwaas oo gudaha Hotelka ka dagaalamaya.

Ciidamo xoog leh ayaa gaaray goobta, waxaana socda howlgal la doonayo in lagu soo afjaro kooxdaas, waxaana la maqlayaa rasaas iyo qaraxyo bam-baano oo dhinacyadu ay is weydaarsanayaan.

Khasaare culus ayaa jira in kastoo aan weli la helin tiro koob rasmi ah, sidoo kalena uu socdo weerar toos ah oo ciidamada ammaanku ay la tacaalayaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online