Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay lix qof + Magacyada

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ay xukun dil toogasho ah ka fuliyeen xoogaga Al-Shabaab ee gacanta ku haya degmada Saakow oo ka tirsan gobolkaasi ee koonfurta dalka.

Qoraal kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in toogashada ay ka dhacday fagaare ku yaalla degmada Saakow, waxayna ku eedeeyeen lix qof oo la dilay inay ahaayeen jawaasiis u shaqeyneysay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Al-Shabaab oo shaacisay magacyada lixdaas qof ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen howl-gallo duqeymo ah oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka, kuwaas oo lagu beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxdaasi oo ku xoogan gobolladaasi.

Maxkamadda Al-Shabaab oo xukunkan iyadu soo saartay, ugu dambeyna la fuliyey ayaa sheegtay in lixda qof ay kala yihiin shan rag ah iyo qof dumar ah, waxayna hoosta ka xariiqday inay bixiyeen macluumaad ay siiyeen sirdoonka dowladda Mareykanka.

Magacyada dadka toogashada lagu fuliyey ayaa kala ah 1- Cumar Cabdi Qaadir Hiiraale (36), 2- Cabdi Xassan Axmed oo (29) jir ah oo lagu soo eedeeyay in uu u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 3-Fartuun Cumar Abkow (36) jir oo iyana u shaqaynaysay CIA-da Maraykanka, 4-Ibraahim Cumar Cali (55) jir ah oo u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA-da, 5-Saaddaam Cismaan Maxamed (21) jir u shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA, 6-Aweys Xassan Xaaji Maxamed oo da’diisu tahay (36) jir u shaqaynayay Sirdoonka Maraykanka.

Toogashada ayaa ku soo aadeysa maalin, kadib markii shalay Puntland dil wadareed ay ku fulisay 21 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo la qisaasay.

Si kastaba kooxda Al-Shabaab ayaa had iyo jeer xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay maamusho ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.