Somaliland oo maxkamad soo taageysa dhallinyaro ay ku haysato arrin yaab leh

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ayaa shaaciyey in konton dhalinyaro ah la soo xiray kadib markii ay ku labisteen, islamarkaana ay muqaalo iyo sawiro ku soo galeen calanka Soomaaliya, ayaga oo xusayay 26-ka June.

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in dhalinyaradaas la horgeyn doono maxkamada iyo xeer ilaalinta, si loo marsiiyo ciqaabta ficilada ay ku kaceen.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaas ay gadaal ka riixayaan cid ay ku sheegen inay dano gaar ah ka leedahay Somaliland, islamarkaana ay ku raad-joogan oo deg-deg usoo qaban doonaan.

Ma ahan markii u horeysay ee xukuumadda Somaliland xarig kula kacdo dad ku labistay calanka Soomaaliya, balse waa tiradii u badneyd ee halmar loo xiro arrintaas, midaasi oo la yaab ku noqotay bulshada.

Hoos ka aqri qoraalka kasoo baxay Ciidamada Somaliland

Ciidanka Booliska Gobolka Awdal waxay xabsiga u taxabeen ku dhawaad kontan dhalinyaro(50) ah kuwaas oo la soo baxay calanka Somalia.

Dhalinyaradan ayaa qaarkood ku labisnayeen calanka halka kuwa kalana muqaalo iyo sawiro ay ku galayeen meel ka baxsan magaalada.

Dhalinyaradan ayaa hada ku kala xidhan xabsiyada dalka waxaana la hor gayn donaa maxkamada iyo xeer ilaalinta si ay uga gutaan waajibaadkoga.

Sida warar xogogaal ku helayaan laamaha amaanku waxa dhalinyaradan dabada ka hagaaya cid dano gaara leh, cidaas hagaysana waanu ku raad joognaa degdagna waa loo soo qaban Insha Allah