Xog: Wasiiro iyo xildhibaano ka baxay xafladdii 26-ka June kadib arrin la isku qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ay habeen hore ka baxeen hoolka lagu qabanayay manaasabaddii loogu dabaal dagayay 26-ka June.

Xafladda oo lagu qabtay hool yar oo ku dhex yaalla xarunta Madaxtooyada ayaa la sheegay in dhammaan dadka ka qeyb-galaya oo ay ku jiraan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kalaba loo diiday in ay Mobeelladooda la galaan.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in amarkaas uu ka soo baxay Villa Somalia waxaana diiday oo dibadda munaasabadda uga baxay Wasiirada kala ah Saalax Axmed Jaamac oo ah Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo ka soo jeedaa Somaliland iyo Wasiirka Kaluumeysiga Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo kasoo jeeda Sool.

Sidoo kale waxaa Munaasabadda ka baxay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya una badan kuwa ka soo jeeda degaanada Puntland iyo mas’uuliyiin kalaba. 

Cabashada xubnahaan ayaa ku saleysneyd laba arrin oo kala ah, in Wasiirada iyo Xildhibaanada ay la geli karaan moobeeladooda islamarkaana aysan jirin daruuf diidi karta iyo haddii laga reebayo in meel gaar ah loogu rido ama looga reebo halka hadda mas’uuliyiinta iyo shacabka la casuumay-ba hal meel looga reebayay. 

Dood muddo socotay ayaa guul dareysatay waxaana la sheegay in xubno badan ay ka baxeen Xafladda halka qaarkoodna ay banaanka hore ka laabteen. 

Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin ku saabsanaa cariiri ka jiray hoolka ay ka dhacaysay xafladda dabaal dagga oo lagu qabtay hool yar kadib markii uu codsaday madaxweynaha Farmaajo, taasi oo iyana keentay in xildhibaano qaar oo aan la casuumin loo diido inay xafladda ka qeyb-galaan.