DF oo war kasoo saartay weerarkii Wisil, iyo wararkii ugu dambeeyey khasaaraha + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si adag u cambaareysay weerarkii ay dagaalamayaasha Al-Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Wisil ee gobolka Mudug ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehellada dadkii ay Al-Shabaab ku dileen weerarkaas oo ahaa mid culus.

Ugu yaraan 30-qof oo shacab iyo askar isugu jira ayey Al-Shabaab ku dileen weerarkii ay ku qaadeen deegaanka Wasil oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halka dhankooda Al-Shabaab laga dilay 41-dagaalame, sida ay sheegeen saraakiisha militeriga Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa sheegay in dowladdu ay qaaday tallaabooyin deg deg oo loogu gurmanayo shacabka reer Wisil, oo saakay muujiyey geesinimo, iskana caabiyey Shabaabkii soo weeraray.

“Xukuumaddu iyadoo dhiiragelineysa guusha shacabka reer Wisil waxay qaaday tallaabooyin deg deg ah oo gurmad loogu fidinayo shacabka ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii iyo qaraxyo ay dhulka geliyeen nabadiidka Al-Shabaab,” ayuu yiri Al-Cadaala oo war-saxaafadeed ka soo saaray weerarkaas.

Dadka ugu badan waxaa dilay miinooyin ay Al-Shabaab ku aaseen wadooyinka soo gala deegaanka ka hor inta aysan weerarka ku qaadin, sidoo kale madaafiic ayey ku garaaceen deegaanada u dhaw Wisil markii ay kala wareegeen ciidamada dowladda, waxaana galabta Wisil dhaawacyo isugu jira shacab iyo askar ka soo qaaday diyaarad ay dirtay dowladda federaalka, taas oo ka soo dejisay Muqdisho.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobollada dhexe ayaa xaqiijiyey in 41 xubnood kooxda looga dilay dagaalkii saakay barqadii ka dhacay Wisil, halka tiro intaas ka badana looga dhaawacay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka DF